Xubno ka socda Bankiga Aduunka oo soo gaaray Muqdisho & qorshaha (+Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Bankiga Aduunka (World Bank) waxayna kulamo la qaateen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda DFS C/raxmaan Ducaale Beyle, Ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigan ka socday Bankiga Aduunka waxayna wasiirka iyo wafdiga kulankooda uga hadleen shashaariic la filayo in uu Bankiga ka fuliyo Soomaaliya.

Wuxuuna wafdigan Soomaaliya u yimid sidii uu mas’uuliyiinta dowlada kala hadli lahaa mashaariic ay ka mid tahay Biyo gelin oo uu bankiga ku taageerayo Soomaaliya kuwaa oo laga fulinayo qeybo ka mid ah dalka.

Dhanka kale Bankiga Aduunka ayaa u muuqda mid Soomaaliya siinayo taageero weyn wuxuuna bankiga dalka uga fuliyay mashaariic fara badan iyadoo uu haddane wado qorshe kale oo taageero ah uu ku maalgelinayo qorshooyin kale oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments