Xildhibaano loogu hanjabay dil hadii ay hal arin joojin waayaan (Akhriso)

Sida ay sheegayaan wararka inooga imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in loo hanjabay qaar ka tirsan xildhibaanada maamulkaasi.

Xildhibaanada maamulkaasi ee loo soo dilay hanjabaada ayaa fariin qoraal ah lagula war geliyay in la dilayo hadii ay iskaga bixi waayaan dhinaca mucaaradka Shariif Sheekh Xasan Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxayna xildhibaanada sheegeen in ay hanjabaadaan uga imaatay dhinaca wasiirka garsoorka maamulka koofur galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada loo hanjabay.

Xildhibaanada loo la magac baxay “Is-bedel doonka” oo ah xildhibaanada loo hanjabay isla markaane ka tirsan mucaaaradka Madaxweynaha mooshinka laga wado ee maamulka KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxayna oo shir deg deg ah ku yeesheen magaalada Baydhabo iyagoo sheegay in uu wasiirka garsoorka ugu hanjabay in uu dilayo hadii ay iska joojin waayaan mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Xildhibaanada Shirka yeeshay oo gaaraya ilaa 91 xildhibaan ayaa sheegay in ay hanjabaadooda ka dambeysay ka dib markii ay meel mariyeen mooshinka ka dhanka ah Shariif Sheekh Xasan oo la horkenay islamarkaane ay saxiixeen.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa cod dheer ugu baaqay wasiirka garsoorka maamulka koofu galbeed in uusan soo fara gelin howlaha iyaga quseeya waxayna sheegeen inay qalad tahay in uu soo fara geliyo arimaheena.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu maalmahaan jiray mooshin xilka loo qaadayo madaxweyne Shariif Xasan ka hor inta uusan ka qeyb galin doorashada ka dhaceyso maamulkaasi.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments