Wasiir ka tirsan DFS oo lagu qabsaday raali gelinta uu ka bixiya hadal kaf ah!

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa lagu qasbay in uu raali galin ka bixiyo hadal gaf lagu sheegay uu dhawaan ka hor sheegay Xildhibaanada golaha Shacabka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in uu wasiirku cadaadis ku saaray in uu raali galin bixiyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomniyaha golaha shacabka kuwaa oo dhibsaday sida uu u hadlay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim oo maanta Baarlamaanka hortagay ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii gafka ahaa uu sheegay, waxa uuna si gaar ah u raali galiyay dadka ku hadlay lahjada Mayga.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa su’aal afka Mayga ah dhawaan Wasiirka xili uu Baarlamaanka horjoogay ku weediiyay, hasa ahaatee Wasiirka ayaa si yasmo ku jirto u sheegay in uusan waxbo ka fahmin lahjada Mayga Xildhibaankana uu fursad iska khasaariyay.

Hadalka Wasiirka ayaa si weyn loogu lafa guray baraha bulshada, waxaana hadalkan yasmada ku jirtay ka carooday Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Wasiirka loogu baaqay in raali galin bixiyo.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments