Wasaaradda Amniga oo baarlamaanka horgeyn doonta dhowr hindse sharciyeed

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa maanta lagu wadaa in Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu horgeeyo Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada iyo Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila, kaasoo horay ay u meel mariyeen Golaha Wasiirada.

Labadan Hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo Sharciga la dagaalanka Argagixisada oo la horgeeyay Baarlamaankii 9aad aanu ansixin, isla markaana aanu ka doodin.

Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxa uu ka kooban yahay 37 qodob.

Qodobka 35-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya awooda qaadista dacwadaha xeerkan, waxa uuna u qoran yahay sidatan.

  1. Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal dambiyeedka argagixisada ee uu xeerkan tilmaamayo.
  2. cid kasta oo ay cadaato in eedeynta loo soo jeediyay aysan aasaas lahayn kana soo gaarta waxyeelo sharafeed iyo mid hantiyadeed, waxa uuna xaq u yeelanaya raali gelin mag dhaw u dhiganta mida soo gaartay.

Qodobka 31-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya qaabka koox loogu tilmaami karo argagixiso.

  1. Hadii Wasiirka wasaarada u xil saaran amniga gudaha uu hayo sababo macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayin ahi ay ku lug leedahay howlo argagixiso,waxa uuna isaga oo cuskanaya xog sugan oo ay so gudbiyaan taliyaasha hay’ddaha amniga soomaaliyeed isaga oo wargelinaya cid ay khuseyso waxa uu ku dhawaaqaya kooxdaasi ay tahay koox argagixiso iyadoo la raacayo xeerkaan.

Sidoo kale hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila waxa uuna isna ka kooban yahay 10 qodob.

Labada hindise sharciyeed ayaa waxaa ku lifaaqan codsi Ra’isal Wasaare kaasi oo in Xildhibaanada golaha shacabka ay si deg deg ah labadaan hindise sharci ugu dhigaan oo ay u ansixiyaan maadaama Ra’isal Wasaraha uu sheegay in labadooduba ay muhiim u yihiin dalka.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
   Mogadishu Somalia
   info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments