Wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye oo Muqdisho ku geeriyooday

Alle u naxariisee waxaa xalay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday  Wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye oo kamid ahaa Wariyaasha ka howlgala Warbaahinta Muqdisho.

Qoyska Wariye Qoslaaye ayaa sheegay in uu kusoo booday xanuun deg deg ah kaa oo sababay geeridiisa, waxa uuna Wariyaha ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer xili dhaqaatiirka ay ka tacaalayeen xaaladiisa caafimaad.

Wariye C/risaaq aadan Qoslaaye ayaa kamid ahaa Wariyaasha caanka ah , waxa uuna hada ka shaqeenayay Telefishinka Kalsan uu wakiil wareed uga ahaa Muqdisho, waxa uu sidoo kale horey uga soo shaqeeyay Idaacada Shabelle iyo Warbaahino kale oo ku yaalla Muqdisho Ugu dambeyne uu xalay ku geeriyooday Digfeer Hospital.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments