Trump oo xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka!

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Doald J. Trump ayaa shalay oo arbaco aheyd xil ka qaadis lama filaan ah ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session.

Go’aankan deg dega ah ee uu Trump qaatay ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur oo ah ninka baaraya xiriirka laga yaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dowladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taasoo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray Madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments