Shirkadda DP World oo dekad casri ah ka hirgelinayso magaalada Berbera

Shirkadda laga leeyay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa magaalada Berbera ee maamulka Somaliland waxa ay ka dhiseysaa dekad labaad oo la qorsheenayo in loo dhiso qaab ka duwan tan hadda ku taalla magaladaasi.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland iyo Wasiiro katirsan maamulkaasi aya ala filayaa in goob joog ka noqdaan Munaasabada lagu dhagax dhigayo dekeda labaad ee Shirkada DP World ka dhiseyso magaalada Berbera.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in Dekedan labaad ee shirkada DP World ka dhiseyso magaalada Berbera ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiiskii ay horey u gaareen Somaliland iyo Shirkada DP World.

Shirkada DP World ayaa la wareegtay maamulka Dekeda weyn ee magaalada Berbera, waxaana heshiiska shirkadan kula wareegtay Dekeda Berbera qeyb ka ah dowlada Itoobiya oo saami badan ku leh wax soo saarka dekadda.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments