Shaqo joojin lagu sameeyay gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa Degmada Baardheere

Maamul Gobaleedka Jubbaland ayaa go’aan ku meel gaar ah kasoo saartey Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo bilooyinkii ugu danbeeyey uu ka jirey jahwareer iyo khilaaf hakiyey shaqooyinkii ka socday degmadaas.

Maxamuud Sayid Aden Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo fulinaya amarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam      (Axmed Madoobe) Ayaa soo saarey digreeto uu shaqada kaga joojinayo gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) iyo gudoomiye ku-xigeenkiisii Ismaaciil sheekh Cabdi (Qorrax).

Labada masuul ayaa lagu amrey inay magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland soo galaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa magacaabey madaxa arrimaha Bulshada ee degmada Baardheere Macalin Xuseen Cabdullaahi Xalane inuu si kumeel gaar ah shaqada Maamulka degmada uu u sii wado inta xal laga gaarayo khilaafka ka dhex aloosan labada masuul ee degmadaas ugu sareysay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweyne Ku-Xigeenka Koowaad Ee Maamul Gobaleedka Jubbaland

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments