Shacabka Muqdisho oo wada banaanbax ay uga soo horjeedaan AMISOM

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya banaanbax balaaran oo ay shcabka magaalada uga soo horjeedaan ciidanka AMISOM ee ku sugan dalka.

Banaanbaxaan ayaa waxa uu ka soconayaa degmada Hilwaa ee gobalka benaadir gaar ahaan Isgowska Ex Koontarool ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galaya boqolaal ruux oo isugu jiro caruur, hooyooyin iyo odayaalka, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dadka ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay dileen dad Shacab ah ka dib markii Saakay lala beegsaday Qarax Miino oo ay waxyeelo kasoo gaartay AMISOM.

Ku dhawaad 4 qof ayay toogasho ku dileen Ciidanka AMISOM qaraxa ka dib, waxaana arintaas ka Carooday Shacabka kunool Muqdisho.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments