Sargaal la dhashay gud. al-shabaab oo loo magacaabay taliyaha saldhiga Kaaraan

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii saldhiga booliska degmada Karaan isagoo maanta xilkaasi u magacaabay taliye cusub.

Canjeex oo ah Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Degmada Kaaraan ayaa la sheegay iyo uu ka biyo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana arintaasi dhalisay xiisad maalmahan soo jiitameysay oo hadda qaboowday.

Waxaana haatan Taliyaha cusub ee saldhiga Kaaraan loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed (Cabdi Kumi) iyadoona sargaalkan la sheegay in uu la dhashay Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade.

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waday isbadalo badan oo lagu sameenayay taliyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana xilka laga qaaday taliyaal badan oo lagu eedeeyay in aysan waxba ka hergelinin ujeedooyinkii loogu magacaabay xilalkooda.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments