Saraakiil ka tirsan mileteriga Somalia oo tababar loogu waday Turkey (Sawirada)

Waxaa maanta tababar loogu qaaday dalka Turkiga Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana saraakiishan garoonka Aadan Cabdulle kusii sagootiyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Diyaarad milatari oo leedahay dowlada Turkiga ayaa garoonka Aadan Cadde ka qaaday 49-saraakiil iyo saraakiil xigeeno, waxaana saraakiisha tababar dheeraad ah kusoo qaadan doonaan dalka Turkiga.

Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) Wasiirka difaaca Soomaaliya, ayaa garoonka kula dar daarmay saraakiisha Milatari ee Turkiga loo qaaday, waxa uuna sheegay in looga baahan yahay saraakiishan in ay kasoo faa’iideestaan tababarka loo qaaday.

Dowlada Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Turkiga dowlada gacan weyn ka siisaa tababarada ciidanka , iyadoo uu magaalada Muqdisho uga furan yahay xerro lagu tabaro ciidamada.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments