Safiirka QM ee Somalia oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug.

Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir .

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib ayaa wafdiga soo gaaray Gaalkacyo iyo Madaxda Galmudug waxaa u bilowday shir albaabada u xiran yahay islamarkaana Saxaafada ay dibada ka joogto.

Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa sacadaha soo socda kulamo gaar gaar ah la leh Mas’uuliyinta Galmudug.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments