RW Kheyre oo kulan la yeeshay wasiirka gashandhigga Turkiga iyo wafdigiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah la yeeshay wafdiga uu horkacayay wasiirka wasaaradda gaashaan dhigga wadanka Turkiga Hulusi Akar, kuwaa oo shalay dalka soo gaaray.

Kulanka casho sharafeedka ah oo ay yeesheen RW Kheyre iyo wafdiga Hulusi Akar ayaa waxa sidoo kale xaadir ka ahaa mas’uuliyiin sar sar oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya (C.Q.S) waxuuna kulan ka ahaa mid aad u xiiso badan oo ay hadalo badan isku dhaafsadeen labada dhinac.

Wuxuuna kulankan ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaana kulan ka soo qeyb galay Kooxda Hoobalada oo heeso taariikhi ah ka qaaday waxayne heesahaasi ahaayeen kuwa lagu qaadayay afka Turkiga oo ay soo dhaweyn kooxda uga dhigayeen Wafdiga uu hogaaminyo Hulusi Akar, waxayne heesahaani si weyn u soo jiiteen wafdiga Turkiga.

Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa ka hadlay kulanka wuxuuna sheegay in ay walaalahooda Somalia aad u taageersan yihiin ayna taagan yihiin garabkooda, iyo hormarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Aniga oo ku hadlaya magaca wafdiga aan horkacayo waxaan u mahad celinayna Walaalaheyna Soomaaliyeed oo marwalba u garab taaganahay walaaltinimo iyo bi’adnimo, mahan waxa aan idin taageereyno dhaqaalo iyo dana gaar ah balse waa saaxiibtinime iyo beni’aadanimo” ayuu yiri Hulusi Akar.

Wafdigaan ayaa dalka u imaaday taageero iyo garab istaaga shacabka iyo dalka Soomaaliyeed waxayne kulamo kala duwan la yeesheen mas’uuliyiinta sar sare ee wadanka.

Dawlada Soomaaliya iyo Dawlada Turkiga ayaa saaxiibo ka ah dhinac walba islamarhaantaane uu ka dhaxeeyaa xiriir qota dheer oo taariikhi ah waxayne dawlada Turkiga dalka ka taageertay dhinacyo badan iyada uu turkigu mashruucyo badan ka fuliyay magaalada Muqdisho, sidoo kale Turkigu waxa uu duleedka Caasimadda Soomaaliya ku leeyahay xero ciidan oo uu tabaro kala duwan ku siiyo Ciidanka Xooga Dalka (CXD) waxaana ka qalin jebiyay askar badan oo haatan ka hawlgala dalka.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments