Raiisul wasaari kheyre oo la kulmay Madal ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin muxaafad ah…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Xafiiskiisa ku qaabilay Madal ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo rag horay xilal u soo qabtay.

Madashan oo la magac baxday Talo Wadaag, sidoo kale waxaa loo yaqaanaa (GGF) waxaana Xukuumadda u aragtaa kuwo qunyar socod ah oo muxaafad ah.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
   Mogadishu Somalia
   info@soomaaliweyn.net

Xubnaha Madasha hormuudka ah ayaa waxay kala yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumaddii C/wali Sheekh Axmed, La Taliyihii dhanka Sharciga Madaxweynihii hore iyo Guddoomiyihii Guddiga doorashada dadban Avv. Cumar Dhagey, Wasiirkii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta Xukuumaddii C/wali, Musharax Madaxweyne C/llaahi Cali Xasan, xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahano.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka dalbaday siyaasiyiintan inay qaatana doorkooda kaga aadan horumarinta dalka, isla markaana dalka ay ku wadaan jihada wanaagsan.

Siyaasiyiintan oo ah kuwo qunyar socod ah ayaa doonaya inay aragtidooda u soo gudbiyaan si ka duwan sida mucaaradka, waana tan keentay in Xukuumadda ay albaabada u furto, isla markaana ay soo dhoweysato.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madashan qunyar socodka ah balan-qaadyo ka heleen Ra’iisul Wasaare Kheyre, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn balan-qaadkaas, hase ahaatee qaarkood ayaa hada laga dhigay La taliyeyaal Ra’iisul Wasaaraha.

Madashan ayaa todobaadyadii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo iyo shirar ka waday Hotelada qaar, waxayna isu arkaan kuwo ka fursad wanaagsan Siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana qaarkood ay yihiin kuwo xilal doon ah, iyagoo raadinaya xilal Wasiiro iyo kuwo kale.

 

Facebook Comments