Qaraxyo Lala Eegtay Ciidanka AMISOM Oo Ka Dhacay Muqdisho

Waxaa saakay qaraxyo miino lagu weeraray kolonyo gaadiid  ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa laamiga Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgooska SOS ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Benaadir.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in qarax miino uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan ay qaraxa uga jawaabayeen.

Daqiiqado kadib ayaa qarax labaad uu mar kale haleelay gaari kale ay wateen ciidamada AMISOM oo wadada dhinaceeda yaalay,  lamana oga khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxyadan lagu weeraray.

Goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa wali xiran, waxaana goobtaasi jooga ciidamo katirsan AMISOM oo mararka qaarkood rasaas furaya, waxaana wararka aan heleymo sheegayaan in goobta yaalaan gaadiidka AMISOM waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada.

Qaraxyadan lagu weeraray ciidamada AMISOM ayaa saameyn ku yeelatay gaadiidka ka yimaada Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale gaadiidka Dadweynaha ee inta badan isticmaali jiray Laamiga mara Suuqa Xoolaha.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments