Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Be;edweyne ee xarunta gobalka Hiraan ayaa sheegaya in uu maanta ka dhacay qarax xooggan kaa oo lala eegtay gaari ay wateen Kolonyo ka tirsan AMISOM waxaana qaraxan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Shacabka magaalada ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid miino ah oo lagu aasay wado ay marayeen ciidamada jabuutiyaanka ee ka tirsan taliska AMISOM, Wuxuuna qaraxa qabsaday mid ka mid ah gawaaridii ay wareen ciidamada.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayuu qaraxaan u geystay qaar ka mid ah ciidmadii la socday gaariga uu qaraxa qabsaday waxaana la sheegay in ay ku nafwaayeen askar ka tirsaneyd AMISOM.

Waxaa durba goobta gaaray ciidamo kale oo dheeraad ah kuwaa oo goobta kala cararay askartii ku waxyeelaaday, Balse ila iyo haatan lama sheegin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray dad rayid ah.

Weli ma jirto cid sheegatay qaraxaan ay ku baaba’een askarta AMISOM, balse waxaa qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay Al-shabaab, Kuwaa oo ay la beesadaan Ciidamada AMISOM.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments