Paco Alcacer oo dhameystirtay tijaabada caafimaad ee kooxdiisa cusub ee Borussia

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Paco Alcacer ayaa goor dhaw ka gudbay tijaabada caafimaadka ee Borussia Dortmund.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Paco Alcacer uu maray tijaabada caafimaadka kooxdiisa cusub ee Borussia, wuxuuna uga gudbay si guul leh.

Borussia Dortmund ayaa ku la wareegaysa Paco Alcacer amaah 2-xiliciyaareed ah iyaga oo bixinaya lacag dhan 2 milyan oo euro.

Kooxda reer Jarmal ayaana kula wareegi karta Paco Alcacer labo xiliciyaareed kadib lacag dhan 25 milyan oo euro.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments