“Nin aduunyo jogow maxaa aragti kuu laban” kani waa maxada xaaskeyga oo aan dilay!

Magaalo ku taalla dalka India ayuu nin saldhig ay joogeen ciidamada booliska soo galay isagoo jawaan ku siday madaxa xaaskiisa oo uu soo jarjaray, islamarkaana gacanta sidoo kale ku watay Baangaddii uu kusoo dilay. isagoo ku eedeynayay iney khayaantay.

Satish ayaa watay jawaan uu dhiig badani ka da’ayay , isagoo hadba dhinac u walfinaya aadna u qeylinayay .

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay inuu jiro 35 sano, ayaa muuqaallo ay Camer-ad duubtay waxaa la arkayay isagoo usoo dhawaanaya mid kamid ah ciidamada Booliska.

Muuqaalka la duubay waxa uu bidhaaminayaa ninkan oo soo galaya saldhigga booliska Magaalada kutaalla Bariga India ee Ajjampura , waxa uuna askari ka tirsan Ciidamada uu ku leeyahay “Mudane tani waa xaaskeyga Roopa, waxaan siiyay dhammaan wixii jaceyl ah oo aan karay, Laakiin waa ay i khiyaantay”.

Jawaankii uu lalminayay ayuu madaxeeda kasoo bixiyay waxa uuna leeyahay “Dareenkeyga ayaa aad u kacay markii aan ku arkay nin kale ”

Hadalkiisa ayuu sii watay waxa uuna yiri “Ninka aan ku arkay waxaa la yiraahdaa Sunil , xitaa waxa ay soo qaaday lacag deyn ah oo gaareysa £3,170(Sadax kun boqol iyo todobaatan Yuro) waxeyna siisay jaceylkeeda”.

Ciidamada ayaa xiray kadib markii ay ku raadiyeen oo ay heleen qeybtii kale ee jirkeeda, waxeyna hadda ku hayaan baaritaanno dheeraad ah.

Taliye lagu Magacaabo Ramachandra Nayak ayaa waxa uu sheegay in booliska ay la kulmaan Kiisas badan, laakiin arrintan ay tahay mid ku cusub.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments