Netanyahu oo yeeshay kulan deg deg ah & Xamas oo hanjabaad soo dirtay!

Benjamin Netanyahu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Yuhuudda ayaa xalay kulan deg deg ah la yeeshay Taliyaasha Ciidamo kala duwan oo ka tirsan Maamulka Yuhuudda.

Kulan deg dega ah oo ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo Taliyeyaasha Ciidanka militeriga ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Xukuumadda Yuhuudda Avigdor Lieberman iyo Ma’suuliyiin kale ee ka tirsan Maamulkaasi.

Sidoo kale kulankan ayaa imaaday kadib markii ay hawada isku shareertay xiisada ka taagan marinka Gaza ee ah dhulka reer falastiin xooga loo heysto.

Marinka Gaza ayaa waxaa maalmahii dambe si xoog leh uga socday dagaalo is xig-xiga kaa oo u dhaxeeyay Xoogaga Isra’iil iyo Ururka Xamaas, Waxaana Iska hor imaadyadaas ku nafwaarey ilaa seddax qod, halka ay tobaneeyo kalane ku dhaawacmeen.

Kulankaan deg dega ah ayaa haba yaraatee laga soo saarin wax go’aan ah, Iyadoo loo maleynayo in uu ujeedka kulanka yahay xal u helida arimaha soo foodsaaray maamulka Yuhuuda iyo hanjabaadaha Ururka Xamaas.

Dhanka kale Ururka Xamaas ee ka Dagaalama Marinka Gaza ayaa iyaga dhankooda soo saaray warbixin hanjabaad ah oo ku socota Maamulka Yuhuudda, Wuxuuna afhayeenka Xamaas  Fowzi Barhuum sheegeey in ay bilaabayaan Dagaaladii ay kula jireen Yuhuuda heysata dhulka Falastiin waxayna ku hanjabtay sii wadista dagaaladaasi.

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Xamas oo waraysi siiyay Shabakadda wararka ee Al-Jazeera ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka hortagaan culeyswalba oo ka soo wajaha dagaalada iyo duqeymaha ay ku hayaan Yuhuudda.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments