Musuq-Maasuq Ba’an oo ka jira Safaarada Somalia ee Malaysia & Codsiyo loo soo jedinayo DF

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia ayaa cabasho balaaran ka soo gudbiyay Safaarada ay Soomaaliya Ku leedahay dalkaasi.

Cabashada ay dadka Soomaaliyeed ka soo muujiyeen Safaarada Ayaa waxa ka mid ah in ay safaarada ka jiro Musuq-Maasuq xoogan iyo in aysan dadka Soomaaliyeed heli karin waxyaabaha ay u baahan yihiin Sida baasboorada iyo Dukumiintiyada.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia ayaa sheegay in ay Safaarada  ka Qaado lagaco Dheeraad ah Marka ay u soo baahdaan Dukumiintiyada iyo Baasboorada Waxayna sheegeen in uu jiro musuq-maasuq xoogan.

Safaarada ayaa dadka ka qaado ku dhawaad lacag gaareysa $300, oo dollar halka ay ee  Soomaaliya bsafaaradaha ku leedahay laga qaado lacag u dhaxeeysa $140, ilaa $150, dollar.

Sidoo kale safaarada ayaa ardayda uga soo baahda Waraaqaha iyo Dukumiintiyada ka qaado lacag dhan Ilaa $80, Dollar halka dadka kale ee caadiga ah laga qaado lacag gaareyso $10, ilaa $20, dollar iyadoo ay xusid mudan in Safaarado badan oo ay ka mid tahay Mida Soomaaliya ee Ankara Ardayda aan laga qaadin wax lacag ah oo ay Waraaqaha iyo Dukumiintiyada ku qaataan wax lacag ah.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia ayaa waxaa Denjire ka ah Dr. Abukar Abdi Osman Mardadi, Waxaana sidaa ku cad in uu arintaan ku lug leeyahay arimahaan musuq-maasqa ah, Sababta oo ah isaga wax uu san ogeyn ama uusan amrin lagama fulin karo safaarada Madaama u isaga maamulka haayo.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa maalmahaanba dagaal kula jirtay Arimaha ku aadan Musuq-Maasuqa ayaa iyad wax war ah ka soo saarin arintaan musuqa ah ee ka jirta Safaarada Soomaaliya ee Malaysia.

Balse, qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barta ayaa waxay dowlada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si deg deg ah u wax uga qabato Arintaan ka taagan Safaarada Soomaaliya ee Malaysia.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments