Musiibada El Niño oo ku soo wajahan Dunida & Digniin laga bixiyay

Sida uu sheegay Ururka saadaasha ee World Meteorological Organization (WMO) ee magaalada Geneva ee wadanka Switzerland, waxaa dunida ku soo fool leh musiibada El Niño ayaa oo ah musiibo rabaani ah oo horay dunida loogu arki jiray.

Musiibada dabiiciga ah ee El Niño ayaa markii ugu dambeysay caalamka ku dhufatay sanadihii 2015-16 waxaana la sheegay in ay sameyn weyn ku yeelatay guud ahaan hanaanka cimilada Dunida.

Waxayna qubaradda cilmi baarayaasha ayaa sheegay in musiibada El Niño ee aduunka ku soo wajahan ka filayo in ay la awood noqon doonto sidii midii caalamka ka dhacday sanadkii 2015-16 ee sameynata ku yeelatay dunida oo dhan.

Mas’uuliyiinta ururka WMO ayaa sheegay in ay sheegay in laga soo xiganayo musiibooyinkii dabiiciga ahaa ee sameynta ku yeelan jiray cimilada dunida.

El Niño ayaa ah musiibo rabaani ah oo mararka qaar imaata ka dib afar sano waxayna ku tiirsan tahay hadbo sida ay isku bedesho cimiladda sida uu qorayo Website-ka caalamiga ah ee Wikipedia, waxaana sidoo kale loo yaqanaa Southern Oscillation, waxaana sabab u ah marka uu heer kulka sagxadda hoose ee badweynta Pacific Ocean oo marne kor u kaca marne hoos u dhac sameeyo.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments