Musharaxiinta Baydhabo oo soo saaray 11-qodob oo ku saabsan doorashada KG

Waxaa kulan deg deg ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ku yeeshay musharaxiin ka tirsan musharaxiinta u aagan qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharaxiinta kulanka yeeshay ayaa soo saaray qodob dhowr ah oo ku saabsan doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi, waxayne mushaaxiintu cadeeyeen in ay doorashadu uu dib kooban uu ku yimid doorashadii la filayay in ay 17-bishan November ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiinta ayaa beeniyay xanta maalmahaan laga hadal haayay warbaahinta oo aheyd in ay jiraan musharxiin gaar ah oo ay wadato dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, Islamarkaane ay maal gelisay.

Hooska ka Akhriso qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta Baydhabo

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments