Militeriga Itoobiya oo diiday ka bixitaanka Dadka Somalida ee magaalada Jigiga

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay xaalada magaalada tahay mid caadi ah oo degan, waxaana amaanka magaaladaasi gacanta ku haaya ciidamada Militeriga Itoobiya.

Militeriga  gacanta ku haya magaalada Jigjiga ayaa la soo warinayaa in ay dadka Soomaalida ahi u diidayaan in ay ka baxaan magalada oo ay marwalbo soo celinayaan dad somali ah oo doonaya in ay ka baxaan Jigjiga.

Ciidanka Militeriga ayaa waxa ay ongolyihiin oo kaliye in ay magaalada ka baxaan dadka xoogsatada ah ee ka soo jeeda qowmiyadaha ka baxsan magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI.

Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gashay xaalad adag oo kadib markii ay maalintii sabtida a dhaceen rabshado iyo boob sababy dhimasho iyo burbur ba’an, Kuwaa oo mudo hakiyay ganacsigii magaalada.

Ciidamada Miiteriga Itoobiya ayaa doonaya in ay xaqiijiyaan amaanka mgaalada Jigiga ayna magaalada ku soo celiyaan sidii hore, waxaana magaalada laga dareemayaa Soo kabasho weyn kadib markii uu iscasilay Hogamiyihii DDSI Cabdi Iley, Iyadoona la doortay Axmed Cabdi Maxamed oo hadda haya talada Deegaanka.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments