Mileteriga Kenya oo dilay macallin dugsi Qur’aan & Ardaydiisii (Cajiib aqri!)

Ciidamada Kenya ayaa markale dad shacab ah ku Xasuuqay deegaan dhaca xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Waxayna Dhacdadaan xanuunka badan ka dhacday deegaanka Dabaasati oo hoos yimaada degmada Ceel-waaq iyadoona dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan deegaankasi ay siweyn uga xanuunsadeen falkaasi oo ay geysteen Ciidanka  Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa dilay dad isagu jiray Macallin Dugsi Qur’aan  iyo laba wiil oo ardaydiisa ka mid ahaa kuwaasi oo si wada jir ah u dileen melleteriga Kenya ee xuduudka.

Macalimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways  halka labada wiil ee lala dilay oo walaallo ahaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo  Siyaad Ibraahim Xasan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ka hor inta aysan Ciidamada Kenya dilin, wiilasha walaallaha ahaa ay jir dil xooggan u geysteen, ka dibna ay Rasaas la dhaceen, taasoo ugu danbeentii u geeryoodeen Rasaastaasi.

Meydadka Macalimka, iyo wiilasha ayaa Meydadkooda loosoo qaaday degmada Ceel-waaq ee ka tirsan gobolka Gedo

illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Ciidamada Kenya ay  u dileen dadkaasi iyadoona arrintaani ay cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaanada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments