MD Waare oo mooshinkii laga waday ku burburiyay laaluush iyo balan qaadyo

Madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa waxa uuna kulamo gaar gaar ah iyo kuwa guudba la yeeshay xildhibaanada maaulkaasi, ka dib markii ay intii uu maqnaa ka gudbiyeen mooshin xilka looga tuuri rabay.

Madaxweyne Waare ayaa xildhibaanada uu kulamada la yeeshay ku booriyay in ay ka noqdaan mooshinka ay ka gudbiyeen oo ay rabeen in ay xilka maamulka Hirshabeelle kaga tuuraan Waare.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Waare oo dhaqaalo badan la tagay magaalada Jowhar ayaa durba bilaabay in uu Xildhibaanada qaar siiyo lacag halka kuwa kalana u sameeyay balan qaadyo.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa lagu qanciyay in ay ka laabtaan mooshinkii ay ka gudbiyeen Waare, waxaana Xildhibaanadan ku qanceen lacagta iyo balan qaadyada kale ay ka heleen Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada qaarkood oo diiday in ay ka laabtaan mooshinka ayaa sheegay in loo hanjabay si ay mooshinka uga laabtaan, waxa ayna Xildhibaanadaasi wali ku adkeesanayaan in mooshinka aysan ka laaban doonin.

Madaxweynaha Hirshabelle Waare ayaa hada taageero xoogan ku helaya Dowlada Fedeeaalka Soomaaliya uu dhawaan heshiis la galay kadib markii uu kasoo goostay Isbaheysiga maamul goboleedyada oo xiriirka u jaray Dowlada Federaalka.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments