MD Farmaajo oo lagu wado in uu booqdo saldhiga militeriga Turkiga ee Muqdisho

Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu booqasho ku gaaro saldhiga ay ciidamada militeriga ee Turkiga ay ka furteen duleedka magaalada Muqdisho.

Amaanka wadooyinka isku xira saldhiga Milatari iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaar lasoo dhigay ciidamo badan oo gaadiidka u diidaya in wadooyinkaasi maraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ciidamo cusub tababar ugu soo xiro xerada Milatari ee Turkiga maamulaan , waxaana ciidankan cusub lagu wadaa in dowlada la wareegto qeybna ka noqdaan xasilinta Muqdisho.

Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka furtay saldhiga Milatari ee ugu weyn ee ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda, waxaana saldhigan ku xareesan tababarna uga socdo ciidamo iyo saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments