MD Farmaajo & Gudoomiye Mursal oo kulan yeeshay (maxay kaga hadleen?)

Waxaa goordhow kulan aan caadi aheyn magaalada Muqdisho ku yeeshay madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed C/llhi Farmaajo iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  Mudane Maxmed Mursal.

Kulanka ay yeesheen labada mas’uul ayaa mid xasaasi ah waxaana la sheegayaa in ay mas’uuliyiinta kulanka uga hadleen qodobo kala duwan.

Warbaahinta Qaranka ayaa baahisay in ay Madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiye Mursal ay kulan kooda uga doodeen xaalada guud ee dalka.

Balse wararka kale oo aan helnay ayaa sheegaya in ay mas’uuliyiintu ka wada hadleen xaalada siyaasdeed ee wareersan ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii ay u wajihi laheyd dawlada Federaalka ugana qaadan laheyd doorkeeda.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa loona dar dar gelin lahaa wada shaqeynta laamaha guud ee dawlada Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo gudoomiyaha Baarmaanka Federaalka ayaa ku soo beegamaya xilli ay xaalada siyaasadeed oo wareersan ka jirto maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii uu is casilay madaxweynihii maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments