Maxay tahay sababata uu u baaqday shirkii maanta lagu balansanaa Garowe?

Waxaa maanta baaqday Shir ay golaha iskaashiga dowlada goboledyada ku balameen in ay maanta ku yeeshaan Magaalada Garoowe.

Shirkan maanta Baaqday ee Garoowe in lagu qabto ahayd ayaa ay si wadajir ah madaxweynayaasha maamul Goboledyada ugu balameen magaalada Kismaayo xiligi ay ku shirsaneeyn horaantii bishii hore.

Hase yeshee, Maxamed Cabdi waare Madaxweynaha Hirshabeelle oo maalmo kadib Muqdisho ka sheegay inuu ka laabtay go’aan ay kismaayo ku wada gaareen oo ahaa in ay xiriirka u jareen dowaldda federalka ayaa hadana ka hadlay shirka Garoowe.

Madaxweyne Waare ayaa shir ay yeeshaan Golaha iskaashiga dowlad goboledyada isagana uu ka amqanyahay ku tilmamay mid sharci darro ah.

Ilow wareedyo ku sugan Nairobi kana dhawaa shirki ay Hogaamiyaasha dowlad goboledyada maalmo kahor ku yeesheen halkaasi ayaa inoo sheegay in ay wadahadal la galeen xubno ka tirsan u qeybsanayaasha beesha caalamaka laga dalbaday in aysan yeelan kulan kale oo qodobo khilaafka si hurinaya laga soo saaro.

Balse ma aysan isku raacin madaxdu oo waxa la sheegayaa in  Shariif xasan sheikh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed uu soo jeediyay in la qaato talada xubnaha beesha caalamka ee ahayd in aaney shirin , Balse inta kale Axmed xaaf ,Axmed Madoobe iyo Cabdi wali gaas ayaa la tilmamayaa in ay soo jeediyeen qabashad kulanka Garowe ee maanta ahayd balantiisu.

Wali Nairobi waxaa ku sugan Madaxweynayaasha qaar oo dhowr jeer waraaqo looga dacwoonayo madaxda dowladda federalka u gudbiyay daneeyeyaasha caalamiga ee arimaha Soomaaliya oo qaarkood fadhigoodu yahay Nairobi Kenya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments