Mareykanka oo cunoqabateyn tii ugu xumeyd abit ku soo rogay Iraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa digniin adag hawada u mariyay Wadamada iyo dadka kale ee xiriirka ganacsi la sameeya Dowlada Iiraan oo cunaqabteyn  Mareykanka kusoo rogay.
Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweyne Donald J.Trump ayuu ku sheegay  in cid kasta oo xiriir ganacsi la samaysa Iraan aysan wax xiriir oo ganacsi uusan dhexmari doonin Mareykanka.

“Ciqaabta Iran ayaa si rasmi ah loo tuuray. Tanina waa ciqaabta qaniinyada ugu ugu xumeyd ee abid lagu soo rogay, Waxayna Bishii November ilaa hadda sii wadaan heerar kale. Qof kasta oo ganacsiga la leh Iran maaha inuu ganacsiga sii wado. Waxaan Weydiisanayaa PEACE WORLD, wax yar!” Ayuu trump ku yiri fariin qoraal ah uu soo dhigay Bartiisa Twetter-ka

 

Waxa uu sheegay Donald Trump cunaqabateynta lagu soo rogay dalka Iiraan in ay tahay tii ugu adkeyd ee abid lagu soo rogo, waxa uuna xusay in cunaqabteyntaasi jawaab u tahay hab dhaqanka Iiraan.

Madaxweynaha Dowlada Iraan Hassan Ruhani oo ka hadlay cunaqabateynta dowlada Mareykanka kusoo rogtay dalkiisa ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay wadaan dagaal dhanka maskaxda ah.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay dowlada Iiraan, Wajiga koobaad ayaa dowlad Iiraan cunaqabateyn laga saaray adeegsiga lacagta Birta iyo mida US-ta

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments