Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare & Xildhibaanadiisa oo qoorta iskula jira!

Xildhibaanada Maamul Gobaleedka Hirshabelle ayaa u yeeray Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay la sheegay in madaxweyne Waare su’aalo badan lagu hor weydiin doono Xildhibaanada Maanulkaasi oo hadda u yeeray,

Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in su’aallo badan lagu horweydiin doono Baarlamaanka Maamulkiisa waxaana, ka mid ah dhicayada amniga maamulka iyo sidoo kale dib u dhaca ku yimid maamulka, iyadoo madaxweyne Waare uu ku fashilmay hogaanka Hirshabelle.

Xildhibaan ka mid ah xildhibaanada Hirshabelle oo lagu magacaabo¬†Cali Cismaan Ibraahim ayaa sheegay in ay u yeereen Dr Waare si su’aalo loogu weydiiyo Baarlamaanka hortiisa.

Sidoo kale Xildhibaanada maamulka Hirshabelle ayaa iayaga si weyn uga soo horjeestay go’aankii ahaa in ay maamul gobaleedyada hakiyaan wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dowlada Federaalka Soomaaliya kaa oo uu wax ka ansixiyay madaxweynaha maamulka Hirshaabelle Maxamed Cabdi Waare.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments