Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Garyaqaanada Maxkamada Sare iyo Kuwo…

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  keddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garsoorayaasha uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilalka Garyaqaanimo ee Maxkamadda Sare ee Somaliya ayaa kala ah:

  •   Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
  •   Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
  •   Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
  •   Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
  •   Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegtadan gudaheeda  xilalkii Garsoorenimo  ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

  •    Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
  •    Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.
  •    Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.
  •    Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
  •    Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.
  •    Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

Madaxweynaha Xukuumadda ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan Bulshada.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorshayaasha miiska u saran Dowlada Federaalka.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments