Madaxweyne Farmaajo oo ka ambabaxay Muqdisho & Ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo & wafdi uu horkacayo ayaa goordhow ka ambabaxay garoonka duyuuradaha Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho, Isagoo ku wajahan magaalada Adds Ababa ee dalka Itoobiya.

Xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa safarka ku wehliya madaxweynaha waxaana la filayaa in goordhow kagu soo dhaweeyo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdugiisa ayaa magaalada Addis Ababa caga dhigan doono halkaa oo uu madaxweynaha uga qeyb galayo shirka Is-baheysiga sanadlaha ah ee IGAD.

Shirka Ururka IGAD ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo arimo ay ka mid yihiin sidii ay Eritrea markale ugu soo biiri laheyd urur gobaleedka IGAD.

Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eliteriya  ayaa todobaadkii hore shir seddax geesood ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea halka oo ay ku meel mariyeen heshiisyo ku aadanaa dhinacyada Eritrea iyo Ethiopia.

Waxaana la filayaa in uu ka soo dhexmuuqdo shirka urur gobaleedka IGAD kadib mudo 20-sano ah waxaana la filayaa in ay Eritrea qeyb ka noqondoonto urur gobaleedka IGAD.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments