Madaxweyne Farmaajo & Mustafe Cagjar oo kulan wada yeeshay

Waxaa maanta kulan yeeshay Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya   “Somali State” Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Adis Ababa, kulanka waxaa xoogga lagu saarey isbadalka ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo midka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb-galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale waxaa shirka lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii u horeysay ka soo muuqanaya miiska Madaxda IGAD.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments