Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo qadka taleefanka kuwada hadlay!

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu qadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Tamin  Bin Hamad Al-Thani, Waxayna ka wada hadleen arimo badan.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Qatar labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dalaka Qatar iyo Somalia, Iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah xiriirkooda.

Amiir Tamin iyo ayaa sidoo kale ka wada hadlay Arimo kale oo ay daneynayaan labada dowlad waxayna labaduba carabka ku adkeeyeen in la doonayo in uu sii kobco xiriirka dalalka Qatar iyo Soomaaliya loogana shaqeyn lahaa Hormarkiisa.

Xiriirka Hogaamiyeyaasha Qatar Iyo Soomaaliya ayaa imaaday xilli ay dowlada Soomaaliya Soo saartay bayaan ay ku taageerayso Boqortooyada Sucuudiga, Kadib markii uu Sacuudiga Xiriirka u jaray Dowlada Canada ay soo dhex gashay Xiisad diblumaasiyeed taa oo keentay in ay ka dhexdhasho Khilaaf xoogan.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments