Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/lalahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa  ammaan loogu jeediyay shacabka deegaanada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
   Mogadishu Somalia
   info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments