Madaxweynaha Jubbaland oo eedeyn & Digniin isugu daray DFS

MAdaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed MAdoobe) Ayaa eedeyn balaaran u jeediyay dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in aysan Dawladu ku dhaqmin dastuurka dalka loogu tala galay in looga arimiyo wuxuuna sheegay in ay ku dhaqaaqdo howlo ka baxsan dastuurka.

MAdaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadi aanan lag dhaqmin dasturka qaranka aysan jirin cid u awood sheegan karto cid kale, wuxuuna sidoo kale xusay in aanan loo dulqaadan karin fara gelinta qaawan oo ay dawlada Soomaaliya ku heyso maamulada hoos yimaada, taasi oo uu ku tilmaamay ku dhaqan la’aanta dastuurka.

“Anagu ma nihin dowlad goboleedyo dowlad dhexe ku heysta awooda uu dastuurku siiyey, balse mida kaliya ee aan ku dhaliilsannahay waa ku dhaqan la’aanta sharciga” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe digniin u diray Dawlada Dhexe oo uu sheegay in ay wax ka bedesho fara gelinta aan aan luuq loo marin oo ay dawlada dhexe ku heyso Maamulka Koofur Galbeed oo haatan ku dhex jira xaalad cakiran, wuxuuna intaa raaciyay hadii ay dawlada dhexe wax ka bedeli weyso ku dhaqan la’aanta sharciga kala dambeynta leh ay dusha saaran doonto wixii dhaca.

“Dawlada dhexe hadii ay wax ka bedeli weyso fara gelinta qaawan oo ay ku heyso maamulka KGS ay dusha saaran doonto wixii dhib ah oo dhaca” .

Axmed Madoobe madaxweynaha maamul gobaeedka Jubbaland ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan magaalada Baydhabo ee maamulka Kooofur Galbeed, wuxuuna walaac ka muujiyay doorashada la filayo in ay mardhow ka dhacdo mamulkaasi.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegamaya xilli uu dhigiisa Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu iscasilay shalay ka dib cadaadis xoogan oo uu kala kulmay dawlada Soomaaliya.

Waxayne xaalada Koofur galbeed mareysaa waqti ay u baahan tahay wax ka qabad oo uusan wax ku tareynin ka hadal ama cambaareyn, waxaana lagu wareersan yahay sida uu ku dambeyn doono xaalka maamulka Koonfur Galbeed oo isku diyaarinayo doorasho gudaha bishan inkastoo ay musharaxiin sheegeen in ay dib udhacday doorashada maamulkaasi.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments