Madaxda maamul gobaleedyada oo Nairobi ku yelanaya shir looga soo horjeedo DF

Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ku sugan qaar ka mid ah madaxda maamul gobaleedyada dalka kuwaa oo lagu wado in ay yeeshaan shirar kala ceyn ah ay kaga soo horjeedaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaa oo ay la yeelanayaan mas’uuliyiinta beesha caalamka ee ku sugan magaaladaasi.

Shirarkan waxaa magaalada Nairobi ku yeelanaya afar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku sugan Kenya, waxaa sidoo kale shirarkan qeyb ka ah siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada Mucaarad ku ah.

Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kuwada sugan magaalada Nairobi , waxa ayna xubnahan shirar la leeyihiin qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka ee ku sugan Nairobi,

Afarta maamul ayaa dhamaantodba beehsa caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay DFS fara gelin ba’an ku heyso maamuladooda iyo howlahooda u gaarka ah.

Xiriirka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa meel xun gaaray, waxaana Madaxda maamulada dhawaan xiriirka wadashaqeyn u jareen dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale madaxda maamuladaan in ay cadaadis ku saarayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, oo aad u xooggan.

Xiriirka iyo wada hadalka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa meel xun gaaray, waxaana Madaxda maamulada dhawaan xiriirka wadashaqeyn u jareen DF Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments