Maamulka Gobolka Benaadir oo Xariga ka jaray Xafiiska Adeegyada Dowladda Hoose ee Degmada Warta Nabada…

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta Xafiiska Adeegga Bulshada ka furay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Xafiiskaan ayaa loogu talagalay in loogu adeeggo dadka kunool Degmada, si ay u helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Gudoomiye Yariisow oo Munaasabadda Furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka uu adeeggaan usoo dhaweynayo si maamulka uu si hoose ugu gaaro.

Qeybtaan ayuu tilmaamay in ay tahay Degmadii Afaraad oo katirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayna doonayaan in isla xisaabtan uu ka dhasho.

Waxa uu sheegay in ay Talooyinka shacabka ku uruurinayaan, iyagoona doonayo in ay ogaadaan baahiyada kala duwan ee bulshada qabaan.

Hiigsiga Dadka Caasimadda waxa uu ka dalbaday in uu noqdo la tartamidda Caasimadaha kale ee hormaray ee hormaray.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Degmooyinka Gobolka ka bilaabay ol-ole ay ku sheegeen in ay shaqada Maamulka Dowladda ugu dhaweynayaan shacabka.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in tartan Degmooyinka ah uu jiro doono, lana abaalmarin doono Degmadii Kaalinta hore ka gasha Maamul Wanaagga.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments