Maamul Gobaleed Qura oo hambalyo u diray madaxweynaha Cusub ee DDSI !!!

Hal maamul Goboleed oo ka tirsan Maamulada ka jiro dalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Somaaliya Itoobiya.

Dowld Goboleedka Jubbaland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Somaaliya Itoobiya Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ay isku jufo yihiin Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jubaland Mudane Abshir Coloow ayaa bartiisa Facebook ku qoray hambalyo ku aadan madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Itoobiya loo magacaabay kadib markii uu is casilay Cabdi Iley.

“Waxaan soo dhoweynayaa una hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Axmed Cabdi Maxamed. Sidoo kale, waxaan ugu mahad naqayaa Madaxweynihii hore, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar wanaagii iyo wax-qabadkii weynaa ee uu qabtay mudadii uu xilka hayey.”

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments