Luke Shaw oo sheegay hadal uu tababare Mourinho ku yiri nasashada cayaarta!

Daafaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Luke Shaw ayaa daaha ka qaaday hadalkii uu ku yiri tababare Mourinho waqtigii nasashada kulanka.

Cayaaryahan Luke Shaw ayaa sheegay in tababare Mourinho uu ku wargaliyay ciyaartoydiisa waqtigii nasashada inuu aad ula dhacay qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhamaan taageerayaasha Manchester United ayaa si wayn ula dhacay qaab ciyaareedkii kooxdooda ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Mourinho ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inay qabteen shaqo fiican maadaama ay ka hor istaageen Tottenham inay xitaa helaan hal koorno qaybtii hore.

“Qaybtii hore waxaan ahayn cajiib, waxaan helnay fursado badan oo aan ku go’aamin karnay ciyaarta” ayuu yiri Luke Shaw.

“Waqtigii nasashada tababare Mourinho wuxuu nagula hadlay gudaha, wuxuu noo sheegay in Tottenham aysan helin wax koorno ah ama kubaddo karoos ah ama fursad halis ku ah goolka United”. ayuu yiri cayaaryahan Luke Shaw.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments