Lamaane geeriyooday saacad ka dib markuu dhacay arooskoodii !!!

Lamaane u dhashay dalka Mareykanka oo da’yar ahaa ayuu arooskoodu dhacay xilli ay reegidooda saacadi ka harsaneyd, waxayna lamaanahaan isguursaday dhiganayeen Jaamacad ku taalla dalkaasi islamarkaane ka baranayeen kuliyadda Culuumta Beeraha.

Arooska lamaanahaan oo ay goobjoog ka ahaayeen asxaabta, eheladda iyo ardayda jaamacadda ay waxkala bartaan ayaa ku bilawday farxad iyo bash bash ayaa ku soo idlaaday murugo maan xumi, kadib markii ay geeriyoodeen lamaanihii is aroosay xilli loo galbinayay hoygooda.

Diyaarad nuuca Helicopterka ah oo lamaanahan oo lagu magacaabo Will Byler iyo Bailee Ackerman Byler ka qaaday xafladii arooskooda ayaa bur burtay xili ay diyaarada hawada ku jirtay.

Lamaanahan geeriyooday ayaa wada dhiganayay  jaamacadda Sam Houston State University ee dalka Mareykanka, waxa ayna lamaanahan dunida ka tageen saacad kadib markii uu arooskoodu dhacay.

Ehelada , asxaabtii iyo ardeydii lamaanahan xafladooda arooska kala soo qeyb galay ayaa aad uga naxay geerida ku timid lamaanaha is doortay, waxa ayna baraha bulshada soo dhigeen sawiradii ay la galeen kahor inta aysan geeriyoon.

Lamaanahan geeriyooday xili loo galbinayay gurigigii ay ku aqal gali lahaayeen ayaa ku jiray sanadkii ugu dambeeyay ee Jaamacada Sam Houston State , waxa ayna baranayeen lamaanahan culuumta beeraha.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments