Inter Milan oo aan weli ka rajo dhigin saxiixa Luka Modric

Kooxda reer talyaani Inter Milan ayaa u muuqata koox weli rajo ka qabta saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia.

Maamulka Inter Milan ayaa isku sheegay inay lagama maarmaan tahay isku dayga saxiixa Luka Modric bisha Janaayo sida uu baahiyay Corriere dello Sport.

Kooxda Inter ayaa ku guul daraysatay dhamaystirka saxiixa Luka Modric suuqa kala iibsiga ee xaggaagan kadib markii Real Madrid ay diiday iibkiisa.

Cayaaryahan Luka Modric ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobkii adduunka oo uu ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa koobka, waana sababta Inter ay ugu dadaalayso saxiixiisa.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments