Imaaraadka oo hub culus ka dejiyay Dekadda Magaalada Berbera!!!

warar aan helnay ayaa sheegaya in Dekadda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland, in laga soo dejiyay hubka culus kaa oo ka kooban noocyo badan.

Hubka laga soo gejiyay Dekadda Berbera ayaa ayaa la sheegay in uu yahay hub farabadan ka oo ay ku jiraan hubka qatarta ah oo meel fog wax ka geysta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in hubka lagu keenay markab yar oo ah kuwa lagu daabulo qalabka kaa oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Markabkaan siday hubka ayaa waxaa la socday saraakiil iyo ciidamo ka tirsan militeriga Imaaraadka, Kuwaa oo hubka u daabulay meel ka baxsan dekadda Berbera oo hubka laga soo dejiyay.

Sida aan xogta ku helnay, Hubkaan ayaa waxaa loogu tallo galay in la dhigo saldhig ay dowlada Imaaraadka dhawaan ka hirgelinayaan Duleedka Magaalada Berbera.

Waxaana xusid mudan in saldhigaan had iyon jeer la geeyo hub iyo agab dhismo iyadoo ay qasab tahay in ay jiraan howlo aan war laga hayn.

Dhanka kale dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan saanad meliteri ka balan qaaday in ay siinayso maamulka Somaliland, waxaana la hubin in lasiiyay iyo inkale, Iyadoo maamulka Somaliland uu hubkii uu heystay inbadan kula dagaalamay dhigiisa Puntland.

Waxaana sidoo kale si weyn u sii fidaya Xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya Maamulka Somaliland, Waxayna labaduba isku muujinayeen taageere aan luuq luuq laheyn iyadoo aan la hubin halka uu u dambeyn doono.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

 

 

Facebook Comments