Heshiis ku kacaya aduun garaya $100, milyan oo Muqdisho lagu kala saxiixanayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu kala saxiixdo heshiis taariikhi ah oo ay kala saxiixanayan dowladaha Germany iyo Somalia,kaa oo ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya boql milyan oo dollar.

Safiiradda ay dowlada Germany u soo magacaabtay Somalia,  ms Annette Gunther, ayaa shalay madaxweyne Farmaajo gudoomiyay waraaqaheeda aqoonsiga ah, islamarkaane maanta lagu wadaa in ay dowlada federaalka Soomaaliya la saxiixdo heshiiskan.

Waxaana la sheegay in lacagtan lagu qarash garey rabo dhismaha kaabayaal shaqaale iyo xoojinta booliska DFS, sidoo kale lacagtaan ayaa waxaa shaqo abuur loogu sameyn rabaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay shaqo la’aanta ku ciyaareyso.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibedda Dowlada FEderaalka Soomaaliya Denjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in lvagta ay maanta dowlada Germany ka gudoomeen wax badan u tari doonto dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments