Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo deeg Lacagiid ku wareejisay Guddiga Gurmadka qaran ee Soobe…

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta Guddiga Gurmadka qaraxii Soobe ku wareejisay lacag dhan Toban Kun oo doolarka Mareykanka ah {$10,000} oo ay iska aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda.

Ku simaha Agaasimaha Guud Mudane C/laahi Xaaji Bashiir ayaa guddiga ku wareejiyay lacagtaan ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda isla markaana loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii 14 October ka dhacay Soobe.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo Prof. Shirwac oo ka tirsan guddiga gurmadka ayaa guddoomay lacagta waxayna alle uga baryeen shaqaalaha iyo madaxda HSJ in uu ajar ka siiyo tabaruca ay u sameeyeen walaalahood ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii Soobe iyaguna ay si wanaagsan u gaarsiin doonaan dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
   Mogadishu Somalia
   info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments