Hantiile Carbeed oo Saami Ka iibsaday Shirkadda Snapchat! (Daawo Sawirrada)

Maalqabeen u dhashay Boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Amiir Calawiid Binu Dhalaal ayaa saami ka iibsaday barta muuqaalada lagu duubo sidoo kale bulshadu kuwada xariirto ee Snapchat.

Amiir Calawiid ayaa shirkada Snapchat ka iibsaday saami dhan 2.3%, waxa uuna Hantiilahan Carbeed saamigan ku iibsaday aduun lacageed oo gaaraya $250 milyan oo doolar.

 

Maalgalintan cusub uu shirkada Snapchat ku sameestay Taajirkan u dhashay Sacuudiga ayaa imaaneysa xili shirkada ay lumisay macaamiil  badan oo ku xirneyd, waxa ayna shirkada hada dooneysaa in ay dib usoo celiso kalsoonida maalgashadayaasha.

Hantiilahan Carbeed ee saamiga ka iibsaday shirkada Snapchat ayaa horey saami uga iibsaday shirkada kale ee lagu wada xariiro ee Twitterka, waxa uuna taajirkan si weyn u xiiseeyaa in uu maalgashado baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments