Hanti-dhowrka guud ee qaranka oo looga hor yeeray golaha shacabka ee BFS

Waxaa maantan kulankii caadada ahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdishoku yeelanaya golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ajande cusub uu miiska u saaran yahay.

Wuxuuna maanta ajndaha kulanka maalinlaha ah ee golaha shacabka federaalka Soomaaliya yahay in dib u eegis lagu sameeyo hindise sharciyeedka xafiiska hanti-dhowrka guud ee qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Xildhibaanada golaha shhacabka XFS ayaa u yeeray hant-dhowrka qaranka si ay wax badan ugu hor weydiyaan xildhibaanada golaha iyo dib u eegis lagu sameynayo hindise sharciyeedka xafiiskiisa,

Xildhibaanada ayaa kulamadii ugu dambeeyey waxay ka doodayeen ajende ku saabsanaa wax ka bedel lagu sameynayo xeer hoosaadka ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo qodobkaas uu dodo kulul ka yeeshay baarlamanka.

Dhanka kale waxaa si weyn loo adkeeyay dhamaan amaanka wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka baarlamaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyadoo la soo dhoobay ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada nabad ilaaliyeyaasha Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments