Hadalka Eng Yariisow oo aan la meel marin & xoolaha oo Muqdisho dhex heyhabaya

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Anha Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) Ayaa horay uga hadlay xoolaha lagu dhexdeeyay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho wuxuuna hadalkaasi u muuqdaa mid aan la meel marin.

Eng yariisow ayaa waxa uu 3-bishii July ee sanadkaan soo saaray warqad digniin ah taa oo ku socotay dadka iska leh xoolaha lagu soo dayay magaalada waxuuna sheeay in la ganaaxi doono cidii xoolaheeda lagu dhex arko iyagoo dhex heyhaabaya caasimadda wuxuuna sheegay cidii fulin weyso amarkaan ciqaab ka dib in ay xoolaha la wareegeyso dowlada.

Halkaan ka Akhriso hadalkii uu Eng Yariisow soo saaray 3-Julay ee sanadkan:

Laakiin amarkaasi ayaa u muuqanaya mid aan la fulin madaama magaalada dhexdeeda lagu arkayo xoolaha qaar ahaan wadooyinka muhiimka u ah isu socadka shacabka magaalada.

Shacabka leh xoolahaan ayaa ah kuwo iska deysto xoolahooda si ay ugu soo daaqaan madaama aysan u helaynin wax ay siiyaan balse xoolahaan ayaa waxay kaalin ka qadanayaan nadaafad darrada Caasimadda iyo bilicda magaalada taasina ay tahay sababta loo mamnuucay.

Gudoomiyaha gobalka benaadir ayaan markale ka hadlin ararkaan uu soo rogay hase yeeshee aan la meel marin, Waxaana la filayaa in uu dhawaan jawaab ciqaab leh ka bixiyo.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments