Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilkii laga xayuubiyey & mid cusub oo la magacaabay

Wareegsto kasoo baxday Xafiiskiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa gobolka hiiraan loogu Magacaabay guddoomiye cusub oo uu noqonayo Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.

Inkastoo aan la ogeyn sababta keentay isbedelka lagu sameeyey Maamulka gobolka Hiiraan iyo waxyaabaha soo dedejiyey ayaa haddana waxaa maalmahaan Magaalada Baladweyne ka taagneyd isqabqabsi iyo muran la xiriira qaabka Canshuur qaadista.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments