Eheladda dadkii ay AMISOM laaysay oo diiday in la aaso meydadka + Magacyo

Qaasim Daahir Khayre Darawal, Xasan Yuusuf Siyaad Darawal, Cali Shire Ugaas Darawal
Axmed Maxamud Bajaajle Darawal, dhamaantood waxa ay ka mid yihiin dadkii ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay saakay ku laayeen Degmada Hilwaa ee gobalka Benaadir.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada AMISOM ayaa dadkaasi dilay kadib markii qarax miino lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen, waxaana dadka ay dileen sadex kamid ah joogeen goob shaaha laga cabo.

Ehelada dadkan ay laayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa sheegay in aysan aasi doonin meydadka raga la laayay ilaa laga helo ciidankii AMISOM ee dadkaasi laayay.

Waxa ay sheegeen ehelada ragan la dilay in ay ahaayeen shacab ku xamaalan jiray baabuur iyo mooto bajaaj, waxa ayna dowlada Soomaaliya ka codsadeen in ay qaado talaabo deg deg ah oo ay uga jawaabeyso dhacadaan xanuunka badan islamarkaane ay wax ka qabato dhaqan xun oo ay AMISOM caadeysteen.

Ciidamada AMISOM ayaa marar badan si bareer ah magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxa ay ugu laayeen dad shacab ah, sidaa darteedna ma muuqatada talaabo dhab ah oo ay dawlada Somalia ka qaaday waxyeelada ba’an oo ay ciidanka AMISOM u geystaan shacbiga Soomaaliyeen ee ku shaqeysanaya dalkooda hooyo.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments